Monday, December 21, 2015


TUULADA CEEG


Waa tuulo ka mida tuulooyinka hoos yimaada Maamulka Gobalka Oodweyne, waxay ka mid tahay sadexda tuulo ee bari ka xiga Gobalka Oodweyne. Tuulada Ceeg waxay 54 km ka xigtaa dhanka Bari Gobalka Oodweyne.
Dhanka waqooyi waxay u jirtaa Gobalka Burco ama Togdheer 65 km.
Tuulada Ceeg Waxay leedahay taariikh qadiimiya, waxa dadka tuulada Ceeg degani ugu yimaadeen dhismayaal iyo seesas qadiimiya. Magaca tuuladaasi waxa uu ka soo jeedaa baa la yidhaah quruumo hore oo dagi jiray nin madax u ahaa, halka qaar ka mida dadka tuulada ceeg dagani ku tilmaamaan ama ay yidhaahdan waxa loogu bixiyey ceeg, waxay leedahay Goob biyuhuu Fadhiistaan ama garagarada kolba sida loo yaqaan, Dadkuna yidhaahdaan way Ceegan tahay.

Tuulada Ceeg inkastooy hoos timaado Maamulka Gobalka Oodweyne, Hadana waxa dadka tuuladaa dagani u safraan, kana soo tukaamaystaan Gobalka Burco, sababtuna waxa weeyi iyada oo aanay jirin wado fiican oo isku xidha Gobalka oodweyne iyo tuulooyinka bari ka xiga, sida 1- Goroyo-ood 2- Boodhley 3- Ceeg.
Gobalka Oodweyne oo aan lahayn saylada Xoolaha ayaa ku kaliftay sidoo kale Dadka tuulada ceeg iyo tuulooyinka kalaba in ay u safraan kana soo tukaamaystaan Gobalka Burco.
Ilaha dhaqaale ama waxyaabaha ay ku tiirsan yihiin dadka degan tuulada Ceeg waxa weeyi Xoolaha nool, sida Geela, Riyaha iyo idaha. Tuulada Ceeg ma laha wax Beero ah iyadoo ay ku yaalaan in ka badan toban kun oo Ceel (10,000) halka sadex kun oo ka mida ceelashaasi ay yihiin qaar laga cabo.
Marka aad dadka waydiiso sababta ay u samaysan waayeen beero, waxay kuugu jawaabayan waa laysku laynayaa ama waa laysku laayeyba. Waxay leedahay sidoo kale Tuulada Ceeg Sadex barkadood. Biyaha tuulada Ceeg waa yara adayg, qadhaadhna yara xiga. Biyaha tuulada ceeg waa laba qaybood.
1: Biyaha Barkadaha oo loo isticmaalo in laga cabo, caruurtana la siiyo, marka dhanka caafimaadka iyo nadaafada laga eego.
2: Biyaha Ceelasha oo iyagana xoolaha laga waraabiyo, Dharka iyo maydhashada iyagana sidoo kale loo isticmaalo. Tuulada Ceeg waxay leedahay Dooxo iyo dhul daaqsimeed balaadhan oo u wanaagsan Xoolaha. Waxa soo gaadha tuulada ceeg biyaha ka soo rogmada Gobalka Odweyne, sidoo kale waxa soo mara Dooxa Dal-dawan.
Dhanka laydhka tuulada Ceeg ma laha wax laydh ah, Dadka tuuladaa dagani waxay iftiimsadaan tooshash, walow meelaha qaar ay leeyihiin meel ama laba meelood oo solar ku shaqaynaya. Dhinaca waxbarasha tuulada ceeg waxa ku yaala iskuul, kaas oo ay dhigtaan arday gaadhaysa ilaa afartan(40).
Waxa iskuulkaa dhistay haayada Care international iyadaana hada Gacanta ku haysa, sidoo kale maal galisa.
1988 kii Dadaalkii, tuulada ceeg waxay ka mid ahayd tuulooyinkii ay Faqashtii gubeen, iyadoo tuulada ceeg la soo galay Hadh-cad, lana Gubay. Inta jeer ee la gubay tuulada Ceeg ee la soo galay waxay dadka tuuladaa dagani ku sheegaan inay ahayd ilaa afar jeer, shan jeer. Taasi oo la baabiiyey dhulkana lala simay dhamaan dhismayaashii ka taagnaa tuulada.

Sawir ahaan waxa ka muuqda tuulada Ceeg dhibaatadii ka soo gaadhay burburkii iyo Gubniinkii loo gaystay, waana waxyaaba curyaamiyey Horumarka Dhanka deegaanka iyo Dadkaba. Tuulad ceeg waxay leedahay Ciid Cas. Dhirta ugu badan ee ka baxda waxa ka mid ah, Galool, Qudhac, Qansax, Bilcil, Gahaydh, Jilab, Hiil, Wancad, Cadaad, Raxanreeb, Gawlalo iyo qaar kalo badan.
Gabo Gabo
Intaa aan kor ku xusnay waa sawir ka turjumaaya tuulada Ceeg, waxay ila tahay inaad hada aad ka haysato sawir kugu filan/kaaga Filan taariikhda tuulada Ceeg, deegaan ahaan. 

Tawfiiq Farhan
Tuulada Ceeg
22 – 12 – 2015