TUULADA CEEG
Waa tuulo ka mida tuulooyinka hoos yimaada
Maamulka Gobalka Oodweyne, waxay ka mid tahay sadexda tuulo ee bari ka xiga
Gobalka Oodweyne. Tuulada Ceeg waxay 54 km ka xigtaa dhanka Bari Gobalka
Oodweyne.
Dhanka waqooyi waxay u jirtaa Gobalka Burco
ama Togdheer 65 km.
Tuulada Ceeg Waxay leedahay taariikh
qadiimiya, waxa dadka tuulada Ceeg degani ugu yimaadeen dhismayaal iyo seesas
qadiimiya. Magaca tuuladaasi waxa uu ka soo jeedaa baa la yidhaah quruumo hore
oo dagi jiray nin madax u ahaa, halka qaar ka mida dadka tuulada ceeg dagani ku
tilmaamaan ama ay yidhaahdan waxa loogu bixiyey ceeg, waxay leedahay Goob
biyuhuu Fadhiistaan ama garagarada kolba sida loo yaqaan, Dadkuna yidhaahdaan
way Ceegan tahay.
Tuulada Ceeg inkastooy hoos timaado
Maamulka Gobalka Oodweyne, Hadana waxa dadka tuuladaa dagani u safraan, kana
soo tukaamaystaan Gobalka Burco, sababtuna waxa weeyi iyada oo aanay jirin wado
fiican oo isku xidha Gobalka oodweyne iyo tuulooyinka bari ka xiga, sida 1-
Goroyo-ood 2- Boodhley 3- Ceeg.
Gobalka Oodweyne oo aan lahayn saylada
Xoolaha ayaa ku kaliftay sidoo kale Dadka tuulada ceeg iyo tuulooyinka kalaba
in ay u safraan kana soo tukaamaystaan Gobalka Burco.
Ilaha dhaqaale ama waxyaabaha ay ku tiirsan
yihiin dadka degan tuulada Ceeg waxa weeyi Xoolaha nool, sida Geela, Riyaha iyo
idaha. Tuulada Ceeg ma laha wax Beero ah iyadoo ay ku yaalaan in ka badan toban
kun oo Ceel (10,000) halka sadex kun oo ka mida ceelashaasi ay yihiin qaar laga
cabo.
Marka aad dadka waydiiso sababta ay u
samaysan waayeen beero, waxay kuugu jawaabayan waa laysku laynayaa ama waa
laysku laayeyba. Waxay leedahay sidoo kale Tuulada Ceeg Sadex barkadood. Biyaha
tuulada Ceeg waa yara adayg, qadhaadhna yara xiga. Biyaha tuulada ceeg waa laba
qaybood.
1: Biyaha Barkadaha oo loo isticmaalo in
laga cabo, caruurtana la siiyo, marka dhanka caafimaadka iyo nadaafada laga
eego.
2: Biyaha Ceelasha oo iyagana xoolaha laga
waraabiyo, Dharka iyo maydhashada iyagana sidoo kale loo isticmaalo. Tuulada
Ceeg waxay leedahay Dooxo iyo dhul daaqsimeed balaadhan oo u wanaagsan Xoolaha.
Waxa soo gaadha tuulada ceeg biyaha ka soo rogmada Gobalka Odweyne, sidoo kale
waxa soo mara Dooxa Dal-dawan.
Dhanka laydhka tuulada Ceeg ma laha wax
laydh ah, Dadka tuuladaa dagani waxay iftiimsadaan tooshash, walow meelaha qaar
ay leeyihiin meel ama laba meelood oo solar ku shaqaynaya. Dhinaca waxbarasha
tuulada ceeg waxa ku yaala iskuul, kaas oo ay dhigtaan arday gaadhaysa ilaa
afartan(40).
Waxa iskuulkaa dhistay haayada Care
international iyadaana hada Gacanta ku haysa, sidoo kale maal galisa.
1988 kii Dadaalkii, tuulada ceeg waxay ka
mid ahayd tuulooyinkii ay Faqashtii gubeen, iyadoo tuulada ceeg la soo galay
Hadh-cad, lana Gubay. Inta jeer ee la gubay tuulada Ceeg ee la soo galay waxay
dadka tuuladaa dagani ku sheegaan inay ahayd ilaa afar jeer, shan jeer. Taasi
oo la baabiiyey dhulkana lala simay dhamaan dhismayaashii ka taagnaa tuulada.
Sawir ahaan waxa ka muuqda tuulada Ceeg
dhibaatadii ka soo gaadhay burburkii iyo Gubniinkii loo gaystay, waana waxyaaba
curyaamiyey Horumarka Dhanka deegaanka iyo Dadkaba. Tuulad ceeg waxay leedahay
Ciid Cas. Dhirta ugu badan ee ka baxda waxa ka mid ah, Galool, Qudhac, Qansax,
Bilcil, Gahaydh, Jilab, Hiil, Wancad, Cadaad, Raxanreeb, Gawlalo iyo qaar kalo
badan.
Gabo Gabo
Intaa aan kor ku xusnay waa sawir ka
turjumaaya tuulada Ceeg, waxay ila tahay inaad hada aad ka haysato sawir kugu
filan/kaaga Filan taariikhda tuulada Ceeg, deegaan ahaan.
Tawfiiq
Farhan
Tuulada
Ceeg
22 –
12 – 2015
Waa Deegaan aad caan ugu ah Sooyaalka Soomaalidii hore
ReplyDeleteSayid Maxamed oo Cali dhuux Aadan ugu goodiyaya si kasta oo uu u fogaado in aanu gefi doonin waa kii lahaa.
Deegaanada Duuga ah ee sida Danood iyo Caado ayay la taariikh tahay.
Is qabsiga iyo muqaalafo la,aanta aad soo tebisay waa waxa halkaa dhigay ayay ila tahay.
Waadigan cidoodaye hadaad goroyo cawlayso.
Ceelkii Danood iyo hadaad Caado kor u dhaafto
Carshintaada waan kuugu iman meesha iyo Ceeg
Waa lagu camaadaye Wadbaa cawga kuu yimiye
Cuqlaa adiga kuu baxay hadaan kuu curaagtamaye
Hadaad cararto Ceeriga Badeed baa ku soo celin.