Caashaq iyo ciil biday calafkaa waad heli°•○♥☆°•• 💞
Waa wiil dhalin yaro ah. Da'diisu waa 30jir. Waxaa uu kaaryoon kaga xamaashaa suuqa badhtamaha magaalada Hargeisa. Waxaa uu u qaad-qaada Alaabaha cul culus, khudaarta, islaamaha suuqa ka adeegta. Isagoo isticmaalaya kaaryoonkiisa uu u bixiyey calafkaa waad heli. waxa uu u gaadhsiiya baska ama halkay doonayaan.
Xiliga uu alaabta qaadayo ama marka uu sii wadaba waxa uu yidhaahda...calafkaa waad heli, calafkaa waad heli.
Waa Caan, dadkuna aadbay u yaqaanan. Marka uu qof doonayo inuu alaab u
qaado. Waxaa uu ugu yeedhaa. Calafkaa waad heli...kaalay alaabtan qaad.
Subax subaxyada kamida waxaa uu Alaab culus oo isugu jirta Khudaar iyo Bagaash u qaaday canab oo ahayd Gabadh aad u qurux badnayd.
calafkaa waad heli sidii caadadiisa ahayd. Waxaa uu leeyahay calafkaa waad heli. Alaabtii ayuu u keenay Halkii ay doonaysay canab.
Canab aadbay ula yaaban tahay kalmada uu leeyahay..calafkaa waad heli. Waxay ku tidhi ii sheeg number-kaaga aan lacagta kuu diree. Waxa uu ku yidhi number ma lihi. Kadib canab waxay lacagtii ugu dirtay bakhaar.
Dhawr cisho kadib canab waxay alaab bagaash ah u soo doonatay suuqa. Waxay aragtay calafkaa waad heli, isagaana u soo qaaday alaabtii. Kalmadii may ilaaabin oo isagaaba ku celcelinaya.
Waxa uu Alaabtii u keenay halkii ay doonaysey.
Canab waxay doonaysay inay lacagta xamaalka u dirto laakiin waxa uu ku yidhi asaxaan ahaan ayaan kuugu soo qaaday ee lacag hay dirin.
Canab aadbay ula dhacday wanaagiisa.
Waxay damacday inay taleefan u iibiso. Sidoo kale waxay siisay taleefan number-keeda.
Calafkaa waad heli..waa uu ka helay canab. waxa uu asxaabtiisa ka garaaci jiray number-ka canab casar kasta, laakiin canab mashquul ayey ahaan jirtay.
Nasiib wanaag Subax Hore ayey suuqa isku arkeen canab. Waxaanay canab ku tidhi caawa waad ii casuuman tahay ee gurigayga iigu kaalay, iyadoo u tilmaantay waliba.
Calafkaa waad heli oo aad u qurux badan ayaa yimid casuumadii. Habeenkaasi waxay ahayd Habeen Taariikhda u gashay. Sidoo kale waxay Hadyad u siisay Taleefan.
Maalin kadib calafkaa waad heli waxa uu garaacay taleefankii canab, laakiin nasiib xumo canab waxay ahayd Qurbo-joog, isla Habeenkii casuumada subaxnimadkii ayey dhooftay..✈
Sidoo kale canab xaasbay ahayd, oo odaygeeda oo xanuunsanaya dartii ayey u dhooftay... Caashaq iyo ciilbaa biday Calafkaa waad heli. .....Dhamaad.
📕✏ @Tawfiiqfarhan

No comments:
Post a Comment