Sunday, September 6, 2015

QAYB KA MIDA TAARIIKH NOLOLEEDKAYGII




QAYB KA MIDA TAARIIKH NOLOLEEDKAYGII
******************* ******************* *************** ********************
Magacaygu Waa Tawfiiq Farhan Cabdi, Waxaan Ku Dhashay 1991kii, Dalka Qatar, Gaar-Ahaan Caasimada Dooxa (Doha)

Waxaa Magacayga Tawfiiq Laygu Bixiyey Ama Laygu Magac Daray Cusbitaal ku Yaala Qatar Doha,(Dooxa) Oo ah Caasimada Qadar. Kaas oo La-Yidhaah Tawfiiq Hospital. Carabi ku qor.
Anigoo Da’daydu 2ba Sanno Jir Tahay ayaan ka Nimid Qatar, Halkaas Oo aan nimid Hargeisa.
1994kii waxaa Dalka Somaliland Ka Dhacay Dagaalkii la-Odhan Jiray Habar-Habarta, Wakhtigaa Laba Sano oo Kaliyaata ayaanu Joognay Dalka.Dabadeedto Wakhtigaa Waxaanu u kacnay ama Tagnay Miyiga. 4 Sanno Kadib , Waxaan Ku Soo Noqonay Caasimada Somaliland Hargeisa. Halkaas oo Aan ka bilaabay Waxbarashadaydii Dugsiga Hoose ee Dhexe,.

Waxaan Galay Ama Laygu Daray Dugisaga Hoose Ee Dhexe Ee Sheekh Yuusuf Al-kawnayn la-Yidhaah oo Ku Yaala Xaafada New-Hargeisa , Halkaas oo Aan Waxbarashadaydii Hoose ee Dhexe Ku qaatay.

2004tii Ayey ahayd Markii aan ka Qalin jabiyey Dugsiga Sheekh-Yuusuf Al-kawnayn.

2005tii Waxaan Galay Dugsiga Sarre ee Gacan-Libaax Secondary School, Halkaas oo aan Nasiib ku Helay isku Shaandhayn Dawladu Sameysay, Una Samaysay Ardaydii Ka baxay Dugsiyada Hoose ee dhexe Ee Dalka ka Jiray,Taas oo Macneheedu Tahay Sidaan U qaatay in ay is Dhex-galaan Ardayda Ku Kala Nool Xaafadaha Dalka.

2009kii Ayaan Ka Baxay Dugsigaa Sarre Ee Gacan-libaax, Dabadeed Waxaan Sii waday Waxbarashadayda Heerka sarre.

2010kii Ayey ahayd Markaan is qoray Jaamacada Admas University College.

2011 ayey Ahayd Markii ugu Horeysay Ee Aan Helo Shaqo Fiican, Halkaas oo aan Haayada Doses of hope aan la shaqeeyey.
Doses Of Hope waxay Ahayd Haayad Qayb laxaad leh ka Qaadatay Mashruucii la odhan jiray Turning The Tide Ee ahaa Kicinta Mawjada Dhalin-Yarta iyo Shaqo Abuurka, Halkaas oo $1000 La siiyey Qof kasta, Taas oo La baray Xirafada Shaqo sidoo kale 4 subject oo ay Kam Mid ahaayeen

1. Business introduction
2. Business plan
3. Book-keeping
4. Marketing . Sanadii 2012kii.
Sidoo kale wakhtigaa Waxaan iyana Hawlo Shaqo ah la Hayay Mohamed Mooge Vocational Training Centre oo ahaa Goob lagu Barro Xirafadaha Shaqo Dhalin-Yarada iska bixin kari waayey Fiiga Schools-ka iyo Jaamacadaha.

Dhamaadkii 2012kii Waxaan Shaqo Ka Helay Haayada Wadaniga Ah Ee General Assistance and Volunteers Organization (GAVO) Halkaas oo Aan iyana in badan la soo Shaqeeyey, wax Badana kala soo qayb-Qaatay Mashaariic Badan Oo lagu Horu-Mariyey Dhalin-Yarta iyo Dadka Tabaalaysan.
Mashruucii iigu Culusaa iguna Hawsha Badnaa, Wuxuu ahaa Mashruucii la odhan jiray Ayah Settlement, Halkaas oo 348 Guri loo dhisay Dad Danyar ah iyadoo laga Dhisay Xaafada AYAH,Taas oo ku Taal Galbeedka Airport –ka Magaalada Hargiesa, Sidoo kalena la dajiyey. Dadkaas oo ahaa Dad ku tabaalaysan Caasimada Somaliland.

2013kii Waxaan Ku Biiray Qoraa Group, Oo ahaa Dhalin-Yaro Qoraa Ah, Oo Qalinka u Qaatay inay Muujiyaan Sawirka qarsoon Ee Ka jira Dalka,Dadka Iyo Degaanka Ku Nool Nahay, Sidoo kalena Caqabadaha iyo DHibaatooyinka iyo Dheefta, Arimo Isugu jira Gubaabo ha U badnaadaanbee.

2014kii Bishii 11aad ayey ahayd Markii aan Qoray Buugaygii ugu Horeeyey Ee aan Ka Qoro Casharada Nolosha, Kaas oo aanaan Wali Ku Guulaysan dhamaadkiisa inaan Gaadho.
Sababta Ugu Wacana Waxa Weeyi, Waxaan Doortay inaan ku koobo Ama ku Qoro Buuga Casharada Nolosha, Qoraalo Ka kooban, Sadex Sadex line iyo Afar Afar line.
Sababtaan U doortayna Waxa Weeyi Dadka Maanta Dunida Jooga Oo aan Jeclayn Inay Akhriyaan Qoraal 15 line oo isku Xiga badankoodu, Sababtuna Ay Tahay Mashquul iyo Caajis jira Awgeed. Sidoo Kale Waxa Yaraatay in la Helo Dad jecel inay wax akhriyaan ama Qoraan.

Maanta Sanadku Waa 2015kii, Waxaan Gacanta Ku Hayaa Buugaygii 4aad, Taas oo Afarta Buugba Qabyo Yihiin. Waxaan uga Jeeda Wali Maan Dhamaystirin.

Afarta Buug Waxay Kala Yihiin.
1. Casharada Nolosha.
2. Hadii Dal, Dulmiga Hayaa uu Yahay Dawladiisa iyo Dadkiisa Maxaa Lagu Daweeyaa.
3. Aniga iyo Noloshayda kaayagee Gar-Daran.
4. Casrigii 2015kii (Sheekooyin)

Fariin: Taariikhda Noloshaydu Intaa Way Ka Badan Tahay, Laakiin Intani Waa Bog ka Mida Taariikhda Noloshayda Sidoo kale.
Waxaan Hubaa In Asxaabteyda iyo Ehelkayga Dalka Dibadiisa Iyo Gudihiisa Joogaa Hada Garanayaan, Noloshayda inta Ugu Muhiim-san.
Qof Kastaa Maalin Maalmaha Ka Mida Ayey Tiisu Dhamaanaysaa, Waxa Hadhayaa Waa Taariikhdaada. Taas Ayaa igu kaliftay inaan Maanta Idinla Wadaago.

GABO GABO
Waxaan Rajaynayaa in Mid kastoo Asxaabta Kamidii Soo Bandhigi Doono, Noloshiisa inta ugu Muhiimsan, Ha Noqotaba Halkuu Ku Dhashay iyo Waliba Halkuu Ku Soo Bar Baarayba.

Waad Mahadsan Tihiin
ALLAA MAHAD-LEH
@TAWFIIQ FARHAN

No comments:

Post a Comment