Tuesday, April 5, 2016

Qiso; Nasriin Dadka Inaan iska Barano ayaan Dan Mooday



MAR KALE Aniga Iyo idinka:
Jiilaalkii 2015kii, 10kii Habeenimo oo xoogaa dhaxani jirto, ayaa waxaan la soo baxay Buug Cusub. Waxaan aad u jeclaa inaan bilaabo, Qoro Qiso Dareen igaga tagtay.
Waxaan furay xaashi cad, Markaas ayaan qalinka Suul iyo Murdiso Far-Dhexo ku tiiriyey, Anoo line-ka xaashida Dul-taagan ayaan waxan faygaray sheeko, sheeko jacayl ah oo sida onkod Qalbigayga Dareen iyo Hinqo Galisay.
‘’Nasriin Dadka Inaan iska Barano ayaan Dan Mooday’’.
Nasriin waxay ahayd bilcaan ilaahay qurux ku manaystay, waxay ahayd gabadh lodkeeda ugu muuq iyo aragti wacan, indhaha arkaa kama daalan daymadeeda. Ilkaheedu hogii kamay lumin, mana aha Qaar kala hooseeya. Sankeedana hanaankiyo qorshaa hadiyad loo siiyey
Dhabannada hareeraha wejigeeduu halalacbuu nuuraaya. Sunniyahana haabkooda wacan hadal dhamayn waa. Luquntii habkii geri lahaa halalbay wax dhaafsiisay. Timaheeduna hoosbay garbaha uga degoone, sinaha ayey haab-haabteen. Heegga iyo laafyaha gamcahana hibaa loo siiyey.
Dhexdanuna hareeraha umay fidin horena umay soo taagmin.
Nasriin ruuxii arkaa jibo ayaa qaada, qof walibana waxaa uu markiiba la dhacaa sida uu Eebe u abuuray.
Jidhkeeda labada qaar, sidii Jaraha loo soohay, Sida jeex intuu doog lahaa oo jir u gadaaleeye ,ubaxyo kala jaad ahina iyo jimil ka soo boodey Nasriin Qofkii jaleecaba qalbigay jiidataa.
Hadaba aan u so noqda sheekadee, nasriin waxaan isku baranay, ku kulanay Suuqa badhtamaha Magaalada Hargeisa, Goobta Fooqa dheer ee Dahab-shiil ku yaal. Dabaqa sarre oo uu ku yaalay Hotel Casri ah.
Anigu ma ahayn mid hore u iman jiray goobtaas, hase ahaatee saaxiibkay ayaa ahaa mid ku xidhnaa meheradaa, waxaanuu ahaa mid ku leh asxaab badan oo ay ka mid tahay Nasriin.
Nasriin waanu isbaranay habeenkii aan soo raacay saaxiibkay, inkastooy ahaayeen dhawr hablood hadana iyada indhahaygu kamay jeesan intii barashadu socotay.
Waxaan ahaa mid ku maqan iyada, eegaya ama aad ugu fiirsanaya siday u dhoolo cadaynayso. Waxaad moodaa in laydh i qabsaday.
Si lama filaan ah ayuu saaxiibkay ii la hadlay, waxa uu igu yidhi waar maxaa kugu dhacay saaxiib, waxaan ugu jawaabay saaxiib sidan: Af sabiib la moodiyo ilkaha saanadiyo nuurka, Dhexda samay lamoodiyo xubnaha eebe kala soocay
Si kastood u daydaba ma laha cad aad saluugtaaye.
Dabadeedtana qosol ayey ku dhufteen hablihii oo dhami, sidoo kale saaxiibkay ayaa ahaa mid aad u qoslaaya, waayo hore iigamuu baran in aan sidan ugu jawaabo, yaab ka dib.
Sheekadii ayaan ana dhinac ka qabsaday, walow ay indhahaygu ku maqan yihiin nasriin hadana iyadaa ah mid kolba isoo eegaysa, ana waxa igu siyaada ashqaraarka, waanan la dhacay quruxdeeda.
Saaxiibkay ayaa u yeedhay ninkii waytarka aha ama shaqaalihii goobta ka shaqaynayey mid ka mida.
Waxaa naloo dhiibay laba warqadood, Majalad (Menu) oo ay ku qoran yihiin kuna sawiran yihiin cuntooyinka hotelku bixiyo.
Waxaanu ahayn shan qof, aniga iyo saaxiibkay iyo sadex hablood oo ay nasriin ka mid tahay.
Waxaan dalbanay cashadii, waxaan isku dookh noqonay Nasriin.
Aadbaanay ii raali galiyey dalabkaasi.
Markii aan dhamaysanay Cashadii ayaan waxaan ka soo daadagnay Hotelkii, waxaan soo wada raacnay salaanka hotelka ee dabka ku shaqaynaya.
Waxaan aha mid aamusan, halka saaxiibkay uu ahaa mid sheeko miidhan ah.
Nasriin iyaduna waa ila mid, ma hadal badna. Hoostaa ayaan ka leeyahay malaa iyadan caawa ayaa asxaabta ugu horeysa.
Markii aan soo daadagnay ayaa waxa si kadis ah su’aal ii waydiisay Nasriin, waxaanay igu tidhi dhaxan miyaad dareemaysaa.
May ma dareemayo. Dabadeed waxay iigu jawaabtay xooga dhaxan ayaan dareemayaa, kadib waxan ku yidhi hoo jaakeed kaygan xidho.
Xoogaa markaan soo wada soconay ayaa waxa taleefan ku soo dhacay saaxiibkay, waxa uu igu yidhi saaxiib waan idinka tagaya ee iska sii jooga xoogaa hooyo ayaa xanuunsanaysa.
Ka dib saaxiibkay ayan ku yidhi saaxiib ma kala hadhayno ee mar kale ayaan habla u imanaynaa ee ina mari aan hooyo soo eegnee.
Habluhuna sido kale waxay iyaguna jeclaadeen inay na raacan. Waanu baxnay, waxaanan u tagnay saaxiibkay hooyadii oo marka dhakhtarka la gayn rabo.
Mudo markaan joognay ayaan waxaan furaha ka qaatay saaxiibkay, waxaanan soo qaaday hablihii, guryohoodanan keenay.
Qofkii ugu dambeeyey ee aan keenay gurigooda waxay ahayd nasriin, laakiin maan jeclayn in aan ka tago. Xoogaa ayaan isa sii waraysanay. Aadbaan u wada qosolnay.
Taleefan numberkeedana way ii qortay, in badan ayaanan wada hadlaynay habeenkii.
Waxaan markasta aan xasuusanayey dhooshii ay ka qoslay, quruxdeedii, hadalkeedii macaanaa.
Waxaan aha mid aad dareenkiisu u kacsan yahay. Waxaana igu dhacay jacayl aan u qaaday nasriin.
Mudo badan ayaan wada soconay, waxaanan habeen kasta iman jirnay hotelka casriga ah.
Halkaasanu wakhtiga inta ugu badan ku qaadan jirnay kuna sheekaysan jirnay.
Saaxiibkay iyo hablaha kale iyaguna sidoo kale halkaa ayey iman jireen.
Xisaabta cuntada iyo sharaabka waxaan aha mid bixin jiray, anaa ahaa mid ku qornaa.
Nasriin waxay I tidhaah iska daa anaa bixinayee, hadana aniga ceeb ayey igu ahayd inaan ka ogolaado.
Galab casara ayan u yimid saaxiibkay gurigiisa, ka dib waan soo galay, waxaan tagay qolkiisii, mee ayaan yidhi Ahmed. Ka dib isagaa ii dhawaaqay, wuxuu igu yidhi waar waan maydhanayaa ee isug.
Waayeybaan ku yidhi! Waxa soo dhacay teelkiisa in badan. Waxa uu igu yidhaah ha ka qaban. Waxaan is yidhi bal eeg numberkan soo garaacaya.
Waxa ku qornaa Numberka Nasriin My Love. Waan yaabay, waxa uu ahaa Numberkii nasriin, inantii xidhiidhku naga dhaxeeyeyKa dib waxaan ka qabtay Teleefankii. Si Lama Filaan ah ayaa waxa dhegtayda ugu dhacay !! hey Ahmed My Love, babe (macaan) inoo soo kaxee kii yaraa waan gaajoonayaayee……an fariir iyo yaab!
Wadnahaa aad ii garaacmay, waan naxay, numberkii soo garaacayna waan ka delete gareeyey.
Saaxiibkay ayaa ka soo baxay musqusha, waxa uu igu yidhi waar kumuu ahaa qofkii isoo garaacayey.
Waxaan ku yidhi mooyi niyaw! malaa number ayuunbuu ahaayee eeg bal.!
Waxa la gaadhay xiligii aan kulmi jirnay hablaha, habeenkaa waxaan damcay inaan soo daaho.
Way ila soo hadleen, waan soo socdaa ayaan ku yidhi. Shaw waxay ahaayeen qaar ii tashaday dhamaantood, xitaa saaxiibkay. Waxaanay ahaayeen qaar ku saaxiibay jeebka dadka kale inay baadhaan. Kana casheeyaan Habeen kasta. Waa Bal-wadee!!
Habluhu waxay ahaayeen qaar qurux badan. Waxaanay ahaayeen qaar ku saaxiibay jeebka raga.
Waxaan u dhaqmay sidaydii hore si ka balaadhan, Nasriina waxay noqotay mid I jeclaatay, waanay I caashaqday.
Mudo ka dib waxaan xidhiidhka u jaray saaxiibkay, waayo wuxuu ahaa nin khaayin ah.
Nasriina way ogayd inaan aha mid jeebkiisu fiican yahay. Waanay ka soo baxday heshiiskii ay kula jirtay Hablaha kale iyo saaxiibkay.
Kooxdii hablaha ahaa ayaa isku dhacay, mid kastaana sheekadii ayey ii sheegtay. Saaxiibkay isaguu firdhay oo ku ceeboob.
Nasriina runtii ku cadaatay, meel laga soo noqdaana may jirin.
Sheekadii iyo jacaylkii ay ii sheegi jirtayna amakaag iyo yaab noqoy.
Nasriin ayaan ugu jawaabay sidan: Adigey Nasriineey naftani heegan kuu ahaydee
Adaan hiirta waaberi dartaa habataq luudaye, Hanfigiyo kulayl-kiyo haddaan halowga soo jiidhayey, Oo aanan haabkiyo dhabtiyo laabta kugu haynin
Ma harraadi jirinoo biyaha uma dayin hoose, Haamadayga dhaxantaha cabaar, hooy ma soo galo eh, Hawlaha dalkeygiyo xilkaan baayo hananaaye , Ka habsaamay taydii kolkaan taadii hoos dhigaye.
Dabadeedna Nasriin ilmo ayaa ka soo daatay, waxaanay noqotay mid hoos u dhigta madaxeega.

W/Q; Tawfiiq Farhan
Email: Tawfiiqfarhan@gmail.com
Mob: +252634199390

Monday, December 21, 2015


TUULADA CEEG


Waa tuulo ka mida tuulooyinka hoos yimaada Maamulka Gobalka Oodweyne, waxay ka mid tahay sadexda tuulo ee bari ka xiga Gobalka Oodweyne. Tuulada Ceeg waxay 54 km ka xigtaa dhanka Bari Gobalka Oodweyne.
Dhanka waqooyi waxay u jirtaa Gobalka Burco ama Togdheer 65 km.
Tuulada Ceeg Waxay leedahay taariikh qadiimiya, waxa dadka tuulada Ceeg degani ugu yimaadeen dhismayaal iyo seesas qadiimiya. Magaca tuuladaasi waxa uu ka soo jeedaa baa la yidhaah quruumo hore oo dagi jiray nin madax u ahaa, halka qaar ka mida dadka tuulada ceeg dagani ku tilmaamaan ama ay yidhaahdan waxa loogu bixiyey ceeg, waxay leedahay Goob biyuhuu Fadhiistaan ama garagarada kolba sida loo yaqaan, Dadkuna yidhaahdaan way Ceegan tahay.

Tuulada Ceeg inkastooy hoos timaado Maamulka Gobalka Oodweyne, Hadana waxa dadka tuuladaa dagani u safraan, kana soo tukaamaystaan Gobalka Burco, sababtuna waxa weeyi iyada oo aanay jirin wado fiican oo isku xidha Gobalka oodweyne iyo tuulooyinka bari ka xiga, sida 1- Goroyo-ood 2- Boodhley 3- Ceeg.
Gobalka Oodweyne oo aan lahayn saylada Xoolaha ayaa ku kaliftay sidoo kale Dadka tuulada ceeg iyo tuulooyinka kalaba in ay u safraan kana soo tukaamaystaan Gobalka Burco.
Ilaha dhaqaale ama waxyaabaha ay ku tiirsan yihiin dadka degan tuulada Ceeg waxa weeyi Xoolaha nool, sida Geela, Riyaha iyo idaha. Tuulada Ceeg ma laha wax Beero ah iyadoo ay ku yaalaan in ka badan toban kun oo Ceel (10,000) halka sadex kun oo ka mida ceelashaasi ay yihiin qaar laga cabo.
Marka aad dadka waydiiso sababta ay u samaysan waayeen beero, waxay kuugu jawaabayan waa laysku laynayaa ama waa laysku laayeyba. Waxay leedahay sidoo kale Tuulada Ceeg Sadex barkadood. Biyaha tuulada Ceeg waa yara adayg, qadhaadhna yara xiga. Biyaha tuulada ceeg waa laba qaybood.
1: Biyaha Barkadaha oo loo isticmaalo in laga cabo, caruurtana la siiyo, marka dhanka caafimaadka iyo nadaafada laga eego.
2: Biyaha Ceelasha oo iyagana xoolaha laga waraabiyo, Dharka iyo maydhashada iyagana sidoo kale loo isticmaalo. Tuulada Ceeg waxay leedahay Dooxo iyo dhul daaqsimeed balaadhan oo u wanaagsan Xoolaha. Waxa soo gaadha tuulada ceeg biyaha ka soo rogmada Gobalka Odweyne, sidoo kale waxa soo mara Dooxa Dal-dawan.
Dhanka laydhka tuulada Ceeg ma laha wax laydh ah, Dadka tuuladaa dagani waxay iftiimsadaan tooshash, walow meelaha qaar ay leeyihiin meel ama laba meelood oo solar ku shaqaynaya. Dhinaca waxbarasha tuulada ceeg waxa ku yaala iskuul, kaas oo ay dhigtaan arday gaadhaysa ilaa afartan(40).
Waxa iskuulkaa dhistay haayada Care international iyadaana hada Gacanta ku haysa, sidoo kale maal galisa.
1988 kii Dadaalkii, tuulada ceeg waxay ka mid ahayd tuulooyinkii ay Faqashtii gubeen, iyadoo tuulada ceeg la soo galay Hadh-cad, lana Gubay. Inta jeer ee la gubay tuulada Ceeg ee la soo galay waxay dadka tuuladaa dagani ku sheegaan inay ahayd ilaa afar jeer, shan jeer. Taasi oo la baabiiyey dhulkana lala simay dhamaan dhismayaashii ka taagnaa tuulada.

Sawir ahaan waxa ka muuqda tuulada Ceeg dhibaatadii ka soo gaadhay burburkii iyo Gubniinkii loo gaystay, waana waxyaaba curyaamiyey Horumarka Dhanka deegaanka iyo Dadkaba. Tuulad ceeg waxay leedahay Ciid Cas. Dhirta ugu badan ee ka baxda waxa ka mid ah, Galool, Qudhac, Qansax, Bilcil, Gahaydh, Jilab, Hiil, Wancad, Cadaad, Raxanreeb, Gawlalo iyo qaar kalo badan.
Gabo Gabo
Intaa aan kor ku xusnay waa sawir ka turjumaaya tuulada Ceeg, waxay ila tahay inaad hada aad ka haysato sawir kugu filan/kaaga Filan taariikhda tuulada Ceeg, deegaan ahaan. 

Tawfiiq Farhan
Tuulada Ceeg
22 – 12 – 2015

Monday, October 12, 2015



QISO CAJIIB AH...
https://www.facebook.com/tawfiiqfarhan 
Waxa Uu Guursaday Qof uu in badan jeclaa, Waxa uu Hoy la noqday, Qof uu in badan raadin jiray. Waxa uu ahaa qof hanti leh, Waxa uu jeclaan jiray, mar kasta inuu xusuus ka reebo Noloshiisa, Qofkuu jecel yahay. Waxa uu soo qaadan jiray Camera ama kamarad. Waxa uu ka duubi jiray Marka ay ku lu'looto Video'ga, Waxa uu ka duubi jiray, Wakhtiga ay Faraxsan tahay. Se iyaduu, Umay jeedin, Waxay ka qayb gali jirtay Xaflado, casuumado, Waxa uu sugi jiray wakhtiga ay ku soo laabanayso guriga, Waxba muu cuni jirin, Waxaa uu jeclaan jiray inuu iyada wax la cuno. Se iyaduu umay jeedin... Daal iyo cadho ayaa markasta iyada ka muuqan jiray, may ogalayn inuu wakhtiga la qaato, Mararka qaarkood Hadalo xun xun ayey ugu jawaabta Marka uu la Hadlo, Marka uu toosiyana,

 Waxay ku soo tuuri jirtay barkimada iyadoo riixaysa. Waxa uu Xaalku sidaa ahaadaa... Waa uu is badalay wiilkii..waa uu fikiray_Habeenadii ma seexan jirin, Waxa soo wajahay isku-buuq....Subax subaxyada ka mida aya uu guriga ka baxay isagoo shaqada ku socda, Ha sa ahaatee isagoo shaqada ku sugan ayaa uu dhacay, Dhakhtarka aya loola cararay, Waxa laga helay cancer ama kansarka wadnaha...Waxa uu ka fikiray Jacaylkiisi..waxa uu iska ilaabay Hadalkii dhakhtarka ee ahaa ha ka kicin jiifka si aan operation ama qaliin u bilawno Hada ..Waxaa uu tagay gurigii..laakiin jacaylkisii wakhtigaa ma joogin, Waxay ku maqnay Xaflad...waxaa uu u duubay fariin daawasho ah, Waxaa uu ka balan qaaday inuu waligii jeclaan doono...

Isagoo Fariintii Duubaaya, Ayaa waxa u soo dhacay Taleefan, Waxa uu udhignaa Sida Tan!
Dhakhtarkii: Mudane Xaaladaadu Waa khatar, Ma Fududa Cancerka ( kansarka Wadnahaagu) Waxaan doonaynaa Si dhakhse ah inaad Cusbitaalka u Timaado...Waxaa uu intaa u sii raaciyey May ahayn, inaad dhakhtarka ka baxdo.

Wiilkii: Waxa uu ku jawaabay Haye Diktoor, Hadda ayaan kuu imanaya, Waxaan Sugayaa buu Yidhi Noloshaydi ( jacaylkiisi) .. fariintii waxaa ku duubmay, Codkii diktoorka, Waxa wiilkii uu Go'aan saday inaanu operation galin, intay noloshiisu Imanayso, Waxa Uu Matagay Dhiig badan, intii uu ku sugnaa Guriga, Hase ahaatee, Waxa soo gashay Noloshiisii, isagoo masaxayaa dhiigii badnaa ee uu matagayey...laakiin iyaduu wakhtigaa way miyir doorsanayd, Waxa uu ka codsaday inay Dhakhtarka u qaado, isla Markii ay Gaadheen Cusbitaalkii ayaa diktoorkii waxa uu bilaabay shaqadiisi, laakiin diktoorkii umay suurta galin inuu sii wado operation'ka, Waxa Markiiba Ka baxday Naftii.....

Gabadhii Waxay Mar kasta Daawan jirtay, Fariimihii Xusuusta ahaa Ee uu Duubi jiray..Waxay intii nolosheeda Ka dhinayd, Ka shaqayn jirtay Arimaha Bulshada, Gaar ahaan iyadoo lamanaha ku dhiiri galin jirtay inay ilaashadaan jacaylkooda, Waxaanay Tusaale u noqotay Kumanaan kun Qof oo Wanaajiyey Xidhiidh kooda iyadoo Buugaag badan Ka Qortay Nolosheedii iyo Jacaylkeediiba.

FARIIN: Usheeg Qofkaad jeceshay Jacaylkaaga Hada, Waxa laga Yaaba inaad Fursad U heli Weydo Maanta Maali Aan ahayn.

Sunday, September 6, 2015

QAYB KA MIDA TAARIIKH NOLOLEEDKAYGII




QAYB KA MIDA TAARIIKH NOLOLEEDKAYGII
******************* ******************* *************** ********************
Magacaygu Waa Tawfiiq Farhan Cabdi, Waxaan Ku Dhashay 1991kii, Dalka Qatar, Gaar-Ahaan Caasimada Dooxa (Doha)

Waxaa Magacayga Tawfiiq Laygu Bixiyey Ama Laygu Magac Daray Cusbitaal ku Yaala Qatar Doha,(Dooxa) Oo ah Caasimada Qadar. Kaas oo La-Yidhaah Tawfiiq Hospital. Carabi ku qor.
Anigoo Da’daydu 2ba Sanno Jir Tahay ayaan ka Nimid Qatar, Halkaas Oo aan nimid Hargeisa.
1994kii waxaa Dalka Somaliland Ka Dhacay Dagaalkii la-Odhan Jiray Habar-Habarta, Wakhtigaa Laba Sano oo Kaliyaata ayaanu Joognay Dalka.Dabadeedto Wakhtigaa Waxaanu u kacnay ama Tagnay Miyiga. 4 Sanno Kadib , Waxaan Ku Soo Noqonay Caasimada Somaliland Hargeisa. Halkaas oo Aan ka bilaabay Waxbarashadaydii Dugsiga Hoose ee Dhexe,.

Waxaan Galay Ama Laygu Daray Dugisaga Hoose Ee Dhexe Ee Sheekh Yuusuf Al-kawnayn la-Yidhaah oo Ku Yaala Xaafada New-Hargeisa , Halkaas oo Aan Waxbarashadaydii Hoose ee Dhexe Ku qaatay.

2004tii Ayey ahayd Markii aan ka Qalin jabiyey Dugsiga Sheekh-Yuusuf Al-kawnayn.

2005tii Waxaan Galay Dugsiga Sarre ee Gacan-Libaax Secondary School, Halkaas oo aan Nasiib ku Helay isku Shaandhayn Dawladu Sameysay, Una Samaysay Ardaydii Ka baxay Dugsiyada Hoose ee dhexe Ee Dalka ka Jiray,Taas oo Macneheedu Tahay Sidaan U qaatay in ay is Dhex-galaan Ardayda Ku Kala Nool Xaafadaha Dalka.

2009kii Ayaan Ka Baxay Dugsigaa Sarre Ee Gacan-libaax, Dabadeed Waxaan Sii waday Waxbarashadayda Heerka sarre.

2010kii Ayey ahayd Markaan is qoray Jaamacada Admas University College.

2011 ayey Ahayd Markii ugu Horeysay Ee Aan Helo Shaqo Fiican, Halkaas oo aan Haayada Doses of hope aan la shaqeeyey.
Doses Of Hope waxay Ahayd Haayad Qayb laxaad leh ka Qaadatay Mashruucii la odhan jiray Turning The Tide Ee ahaa Kicinta Mawjada Dhalin-Yarta iyo Shaqo Abuurka, Halkaas oo $1000 La siiyey Qof kasta, Taas oo La baray Xirafada Shaqo sidoo kale 4 subject oo ay Kam Mid ahaayeen

1. Business introduction
2. Business plan
3. Book-keeping
4. Marketing . Sanadii 2012kii.
Sidoo kale wakhtigaa Waxaan iyana Hawlo Shaqo ah la Hayay Mohamed Mooge Vocational Training Centre oo ahaa Goob lagu Barro Xirafadaha Shaqo Dhalin-Yarada iska bixin kari waayey Fiiga Schools-ka iyo Jaamacadaha.

Dhamaadkii 2012kii Waxaan Shaqo Ka Helay Haayada Wadaniga Ah Ee General Assistance and Volunteers Organization (GAVO) Halkaas oo Aan iyana in badan la soo Shaqeeyey, wax Badana kala soo qayb-Qaatay Mashaariic Badan Oo lagu Horu-Mariyey Dhalin-Yarta iyo Dadka Tabaalaysan.
Mashruucii iigu Culusaa iguna Hawsha Badnaa, Wuxuu ahaa Mashruucii la odhan jiray Ayah Settlement, Halkaas oo 348 Guri loo dhisay Dad Danyar ah iyadoo laga Dhisay Xaafada AYAH,Taas oo ku Taal Galbeedka Airport –ka Magaalada Hargiesa, Sidoo kalena la dajiyey. Dadkaas oo ahaa Dad ku tabaalaysan Caasimada Somaliland.

2013kii Waxaan Ku Biiray Qoraa Group, Oo ahaa Dhalin-Yaro Qoraa Ah, Oo Qalinka u Qaatay inay Muujiyaan Sawirka qarsoon Ee Ka jira Dalka,Dadka Iyo Degaanka Ku Nool Nahay, Sidoo kalena Caqabadaha iyo DHibaatooyinka iyo Dheefta, Arimo Isugu jira Gubaabo ha U badnaadaanbee.

2014kii Bishii 11aad ayey ahayd Markii aan Qoray Buugaygii ugu Horeeyey Ee aan Ka Qoro Casharada Nolosha, Kaas oo aanaan Wali Ku Guulaysan dhamaadkiisa inaan Gaadho.
Sababta Ugu Wacana Waxa Weeyi, Waxaan Doortay inaan ku koobo Ama ku Qoro Buuga Casharada Nolosha, Qoraalo Ka kooban, Sadex Sadex line iyo Afar Afar line.
Sababtaan U doortayna Waxa Weeyi Dadka Maanta Dunida Jooga Oo aan Jeclayn Inay Akhriyaan Qoraal 15 line oo isku Xiga badankoodu, Sababtuna Ay Tahay Mashquul iyo Caajis jira Awgeed. Sidoo Kale Waxa Yaraatay in la Helo Dad jecel inay wax akhriyaan ama Qoraan.

Maanta Sanadku Waa 2015kii, Waxaan Gacanta Ku Hayaa Buugaygii 4aad, Taas oo Afarta Buugba Qabyo Yihiin. Waxaan uga Jeeda Wali Maan Dhamaystirin.

Afarta Buug Waxay Kala Yihiin.
1. Casharada Nolosha.
2. Hadii Dal, Dulmiga Hayaa uu Yahay Dawladiisa iyo Dadkiisa Maxaa Lagu Daweeyaa.
3. Aniga iyo Noloshayda kaayagee Gar-Daran.
4. Casrigii 2015kii (Sheekooyin)

Fariin: Taariikhda Noloshaydu Intaa Way Ka Badan Tahay, Laakiin Intani Waa Bog ka Mida Taariikhda Noloshayda Sidoo kale.
Waxaan Hubaa In Asxaabteyda iyo Ehelkayga Dalka Dibadiisa Iyo Gudihiisa Joogaa Hada Garanayaan, Noloshayda inta Ugu Muhiim-san.
Qof Kastaa Maalin Maalmaha Ka Mida Ayey Tiisu Dhamaanaysaa, Waxa Hadhayaa Waa Taariikhdaada. Taas Ayaa igu kaliftay inaan Maanta Idinla Wadaago.

GABO GABO
Waxaan Rajaynayaa in Mid kastoo Asxaabta Kamidii Soo Bandhigi Doono, Noloshiisa inta ugu Muhiimsan, Ha Noqotaba Halkuu Ku Dhashay iyo Waliba Halkuu Ku Soo Bar Baarayba.

Waad Mahadsan Tihiin
ALLAA MAHAD-LEH
@TAWFIIQ FARHAN

Caashaq iyo ciil biday calafkaa waad heli°•○♥☆°•• 💞






 Caashaq iyo ciil biday calafkaa waad heli°•○☆°•• 💞

Waa wiil dhalin yaro ah. Da'diisu waa 30jir. Waxaa uu kaaryoon kaga xamaashaa suuqa badhtamaha magaalada Hargeisa. Waxaa uu u qaad-qaada Alaabaha cul culus, khudaarta, islaamaha suuqa ka adeegta. Isagoo isticmaalaya kaaryoonkiisa uu u bixiyey calafkaa waad heli. waxa uu u gaadhsiiya baska ama halkay doonayaan.

Xiliga uu alaabta qaadayo ama marka uu sii wadaba waxa uu yidhaahda...calafkaa waad heli, calafkaa waad heli.
Waa Caan, dadkuna aadbay u yaqaanan. Marka uu qof doonayo inuu alaab u qaado. Waxaa uu ugu yeedhaa. Calafkaa waad heli...kaalay alaabtan qaad.
Subax subaxyada kamida waxaa uu Alaab culus oo isugu jirta Khudaar iyo Bagaash u qaaday canab oo ahayd Gabadh aad u qurux badnayd.
calafkaa waad heli sidii caadadiisa ahayd. Waxaa uu leeyahay calafkaa waad heli. Alaabtii ayuu u keenay Halkii ay doonaysay canab.

Canab aadbay ula yaaban tahay kalmada uu leeyahay..calafkaa waad heli. Waxay ku tidhi ii sheeg number-kaaga aan lacagta kuu diree. Waxa uu ku yidhi number ma lihi. Kadib canab waxay lacagtii ugu dirtay bakhaar.
Dhawr cisho kadib canab waxay alaab bagaash ah u soo doonatay suuqa. Waxay aragtay calafkaa waad heli, isagaana u soo qaaday alaabtii. Kalmadii may ilaaabin oo isagaaba ku celcelinaya.
Waxa uu Alaabtii u keenay halkii ay doonaysey.
Canab waxay doonaysay inay lacagta xamaalka u dirto laakiin waxa uu ku yidhi asaxaan ahaan ayaan kuugu soo qaaday ee lacag hay dirin.

Canab aadbay ula dhacday wanaagiisa.
Waxay damacday inay taleefan u iibiso. Sidoo kale waxay siisay taleefan number-keeda.
Calafkaa waad heli..waa uu ka helay canab. waxa uu asxaabtiisa ka garaaci jiray number-ka canab casar kasta, laakiin canab mashquul ayey ahaan jirtay.
Nasiib wanaag Subax Hore ayey suuqa isku arkeen canab. Waxaanay canab ku tidhi caawa waad ii casuuman tahay ee gurigayga iigu kaalay, iyadoo u tilmaantay waliba.

Calafkaa waad heli oo aad u qurux badan ayaa yimid casuumadii. Habeenkaasi waxay ahayd Habeen Taariikhda u gashay. Sidoo kale waxay Hadyad u siisay Taleefan.
Maalin kadib calafkaa waad heli waxa uu garaacay taleefankii canab, laakiin nasiib xumo canab waxay ahayd Qurbo-joog, isla Habeenkii casuumada subaxnimadkii ayey dhooftay..
Sidoo kale canab xaasbay ahayd, oo odaygeeda oo xanuunsanaya dartii ayey u dhooftay... Caashaq iyo ciilbaa biday Calafkaa waad heli. .....Dhamaad.
📕✏ @Tawfiiqfarhan

Wednesday, August 26, 2015

.•°*”˜˜”*°•.✫ ☻/ღ˚ •。* ˚ ˚✰˚ ˛★* 。 ღ˛° 。* ° ˚ • ★ *˚ .ღ 。 /▌*˛˚ ░ٌٌٌS░H░E░E░K░O░O░Y░I░N░K░A ░░C░A░S░R░I░G░A░ ˚ ✰* ★ ░2░0░1░5░



Daahir Iyo Deeqa, Iyo Sheekadii Facebook Iyo Qurbo-Joog..•°ðŸ’‹°•
Daahir Waxaa Uu Ahaa Nin Reer Miyi Ah, Ha Se Ahaatee Waxa Uu Waagii Hore Joogi Jiray Magaalada, Halkaas Oo Wiil Ay Saxiib Ahaayeen, Uu Baray Khadka, Ama Sida Loo Isticmaalo Facebook. Waxa Uu Mudo Dhawr Bilood Ah, Joogay Magaalada.
Daahir Waxa Uu Ahaa Nin Maskax Fiican, Waxa Uu Markiiba La Qabsaday Isticmaalka Khadka, Waxay Is Barteen Deeqa Oo Ahayd Gabadh Qurux Badan Oo Uu Facebook Ka Bartay, Waxay Ku Wada Jireen Group Qurbo Joog La Odhan Jiray, Hadaba Group'ka Qurba Joogow Maxaad Ahayd , Waxa Uu Ahaa Group Ay Ku Wada Jireen Asxaab Miyiga Wada Joogi Jiray, Se Deeqi Waxay Iyadu Moodi Jirtay Group Qurbo-Joog Ay Ku Dhan Tahay, Waxaabay Is Lahayd Halkanbaa Dhoof Kuugu Dhaw Oo Calafkaga Ayaad Ka Heli Doontaa.
Group'ka Waxa La Is Weydaar Sadaa, Heeso Iyo Maah Maahyo Xoolaha Ku Saabsan. Daahir Waxa Uu Ahaa Ninka Ugu Heesaha Iyo Maah Maahyda Badan, Aad Bay Uga Heshay Deeqii Wiilkii Daahir, Waa Lays Bartay, Gooni Ayaa Lays Kula Baxay, Waxa Inantii Deeqa Ku Dhacay Jacayl, Jacaylbay U Qaaday Daahir, Waxa Uu Daahir Ugu Jawaabaa, Markay Deeqii Salaanto, Erayo Amaana, Waxa Uu Raaciyaa Laba Dhibcood Oo Isa Saaran Iyo Xarafka D (:D) Taas Oo Uu Baray Nin Ay Saaxiib Ahaayeen, Macnaha Labada Dhibcood Iyo Xarafka D, Waa, Aadban U Faraxsanahay, Marka Khadka La Isticmaalayo.
Deeqii Aadbay Uga Heshay Wiilkii Daahir, Waxa La Go'aan Saday In La Isku Yimaado, La Is Arko.
Waxa La Gaadhay Xiligii La Balamay, Ninkii Daahir Inantii Deeqa Waxa Uu Ku Balamiyey Hotel La Yidhaah,
Golden Tourist Hotel Oo Ku Yaal New Hargeisa, Waa Meel Shidan Oo Qurba Joogtu Ku Kulanto, Deggan Tahayna.
Inantii Deeqii, Goobta Aadbay Uga Heshay, Isla Markii Ay Daahir Is Arkeen, Waxay Ku Salaantay, Laba Dhibcood Iyo Xarafka D (:D) Iyadoo Sida Hadalka Caadiga Ah U Tidhi Laba Dhibcood Oo Is Dul Saaran Iyo Dhii, Cajiib!
Ninkii Daahir Waa Uu Yaabay, Qudheeda Deeqii Miyi Ayey Ka Timid Laba Bilood Ka Hor.
Deeqa Inaabtideed Oo Ay Guriga Wada Joogaan Ayaa Qudheeda Khadka Ama Isticmaalka Facebook Tus Tusta (Barta)
Daahir Oo Qoslaaya, Ayaa Isna Ugu Jawaabay, Laba Dhibcood Oo Is Dul Saaran Iyo Dhii (:D)
Waa La Is Xaal Waraystay, Daahir Ayaa Si Daacada Deeqa Ugu Waramay, Isagoo U Sheegay Inuu Miyi Joogi Jiray, Sidoo Kale Uu Hadda Doonayo Inuu Ku Noqdo Miyi, Se Uu Hadda Doonayo Inuu Guur Sado Gabadh.
Deeqa Ayaa Aad Uga Heshay Daacad Nimada Daahir, Waxay Markii Ay Gurigii Ku Laabatay Go'aan Satay Inay Daahir Guursato.
Daahir Ayaa Maalintii Labaad, Deeqa U Soo Bandhigay Guur, Dabadeedto Deeqii Way Ka Aqbashay.
Waxa Lagu Heshiiyey In Miyi La Dego, Waa Laysku Raacay, Waana La'is Aroostay.
Mudo Kadib
Daahir Waxa Dabadeed U Dhashay Mataano, Waxa Loo Kala Bixiyey Qurbo-Joog Iyo Facebook.  Dhamaad.

Friday, August 14, 2015