♤ Suwaal Jiimis ah
Shaadh Jiniyad wacan
Gasho bay igu tidhi ….. Oo Dookhayga maaha baan ku Yidhiyoo, waa kayga bay igu tidhi…waayey
♤ Kabo joogoodu aanu dheerayn
Dhulka yara jiifana
Ku dhacbay igu tidhi … Waayey baan ku Yidhi oo ma Xuma…
♤ Cadar loo bogay
Ruuxii aad baal martaana
Dag dag kuu bariidiyana
Isku buufi bay tidhi… Ma Yeelayaban ku Yidhi oo dadku ma inay I galaan baad doonaysaa……Jacaylkaaga amba I galay bay igu tidhi.
♤ Bidix ka talaabso
Tuur isku Yeel
Oo gacanta tuur bay igu tidhi…. ILaahay Tuur iima Yeelin, Gacantana tuuri maayee, Halkeeda ha ku taalo ayaan ku Yidhi… Waynu kala tagi bay igu Tidhi…..waan ogolahayban Yidhi.
♤ Markaad ii timaadana
waa inaad erayo jacayla
ii tirisaabay igu tidhi……Abwaan ma ihi baan ku Yidhi,. Kaama yeelayo bay igu tidhi…waan ogolahayban ku yidhi.
♤ Taleefan haday noqotana
Hadalka taag taagan waan necebee
Si aad tasbiixsanayso
Waa inaad ii taahdaa bay igu tidhi… Oo miyaan ooyaa baan ku idhi…ilmo iska keenbay igu tidhi.
♤ Taariikhda kulankeenana
Waa inaynu Tix galinaa
Oo bishiiba mar waa inaynu
Xusnaa bay igu tidhi…………oo ma xasuuqbaa inagu dhacayban ku Yidhi…….. Xidhiidhkaa ku jira bay igu tidhi.
#Maxaad igula Talin Lahayd
#Tawfiiq Farhan

No comments:
Post a Comment