Thursday, August 13, 2015

Sheeko '' Timaha Sarre Ha Taataaban Ee Taalooga iga Yara Hagaaji ''

 

Timaha Sarre Ha Taataaban Ee Taalooga iga Yara Hagaaji ayuu Odhan jiray, Mar kastoo uu TimO JARAHA U Tago.
Maanta Timo Jare kale ayuu U tagay, Goobtu Waa Burco. Safar ayuu Yahay. Waxa uu Ku Yidhi Timo Jare Burco ku sugan.. Iga XiiR Timaha, Dabadeed Taleefan Ayaa ku soo dhacay, Waxa uu Ilaabay’ Timaha Sarre Ha Taataaban Ee Taalooga iga Yara Hagaaji. Shaw Bidaar Ayuu Leeyahay Oo Timo Yar ayuu ku Qariyaa Fooda ‘ Waa Qolodii la odhan jiray ‘ Garoon diyaaradu Ka Kacdo ayaad leedahay.
Timo Jarihii Isna Muu Humbsanee Fooda intuu kaga Bilaabay Cagaftii uu Wax ku xiiri jiray ayuu ilaa Qadaadka ku Geeyey, Shaw Timaha Sarre Ha taataaban ee Taalooga iga Yara Hagaaji Taleefan ayuu ku Mashquul san Yahay.
Muraayadii ka soo Horjeeday ayuu Eegay, Kulahaa Kaa ii Eegi Waa Kuma, Shaw waa isagee Ismaba oga. Timo Jarihii Ayaa Ku Yidhi Waar Waa Adigii ,,,,,,,Yaab !!! Taleefankii Ayaa Dhulka Ku Dhacay, Wuu istaagay Dabadeedtana intuu Cagaftii Qaaday ayuu Dhafoorka qarxiyey Timo Jarihii, Gaadhi ingaydh Ah Ayuu Soo Raacay, Burcona Barigaa Ayaa UgU Dambaysay Oo Wuu Ka Xanaaqi Jiray, Ninkastoo Timo Jare ama Rayiisle Soo gala OO Yidhaah Timaha Sarre Ha Taataabanee Taalooga iga Yara Hagaajina Wuu La Dagaalami JiRAY………..Dhamaad.
‪#‎Muxuu‬ Kaga Bixi Lahaa Ayaad Umalaynaysaa NINkaa Dhibaatada Haysatay ? Jawaabtaadu Waa Muhiim.
@Tawfiiq FARHAN

https://www.facebook.com/tawfiiqfarhan

No comments:

Post a Comment