Thursday, August 13, 2015
Sheeko Gaaban ;’’’ Dhaqaale Burburbaa i Hayee Journal’ka Dar ilaahay iiga iibsada.;;’’
Sheeko Gaaban ;’’’ Dhaqaale Burburbaa i Hayee Journal’ka Dar ilaahay iiga iibsada.;;’’
Saaka Cabaara Sideedii iyo sanaati, ayaan ka soo baxay Xaafada, Anigoo Markaa Ku Habsaamay Hawlo shaqo oo Gurigayga ah.
Wakhtigaa Gaadhigii shaqadu waxa uu ahaa Mid Gaadhay Xafiiskaygii.
Waxan soo Raacay Bas u socda Bariga Magaalada Hargeisa, intaanan Fuulin, Judhiidba Waxaa is furay Albaabkii Baska, Waxan islaha waa bas casriya oo Dhiiga Qofka la shaqaynaya. Laakiin sheekadu taa way ka duwanay, Waxa iga Furay Albaabka nin iigu yeedhaya sidan. Dar ilaahayban kaaga Furay, Dar ilaahay u fadhiiso, Dar ilaahay albaabka u xidh, Cajiib.
Xoogaa Marka uu baskii socday, Ayaa waxa uu baskii u istaagay qof kale, isagii ayaa ka furay qofkii kale …isagoo leh, Dar ilaahayban kaaga Furay, Dar ilaahay u Fadhiiso, Dar ilaahay Albaabka u xidh.
Hadaba Ninkani waxa uu aha, Nin Ka Ganacsada Journalka ama Majaladaha wararka laga Akhristo, waxaa uu igu Yidhi Journalkan Akhriso, Waxa uu ii raaciyey Heer Jaamacadeed Ayaad Tahay. Waayey baan ku yidhi.
Mid kale oo isna baska saaran ayuu journal’ki u dhiibay, Wuxuu ku yidhi u dhiib- dhiib, Dadbay War la’aani Haysaayee.
Baska waxaad Moodaa Inuu ka Yahay kirishboy ama lacag ururiye , kolba sidaa loogu yeedhayo.
Waxaa uu lahaa, Aduunyada isku soo ururiya, waxaa uu ujeeday lacagta Baska bixiya, isagoo Raacinaaya, Dar , ilaahay aduunyada u soo dhiiba, intaa waan qoslayaa, Anoo qudhaydu leh, Dar .. ilaahayban Journal’ka u akhrisanayaa…
Ninkii basku qudhiisu waa qosol dhamaystay, Waxa uu ku leeyahay ninka Baska Wada, Dar ilaahay lacagta ha laguugu soo ururiyo, Waad iskaga Baahan tahayee…. Isagoo qudhiisu leh, Dhaqaale Bur burbaa i Hayee Journal’ka Dar ilaahay iiga iibsada Anna……DhaMaad
Fariin: Suuq Gaynta iyo Macmiil Qancintu In kastooy Tahay Haybad ilaahay bixiyo, Hadana waa inaad isku Daydaa inaad Ganacsigaaga Dadka Tusto.
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
No comments:
Post a Comment